Waxaa badan in maalinta qalinjebinta dhallinyarada loo sheego rejooyin badan iyo guulo ka horreeya. Waxaa dhacda in mustaqbalka loo soo dhaweeyo heer uu gaaro in qofku wax badan fududeysto. In kasta oo farxada maalintaas ay tahay in la weyneeyo, haddana in runta qaraar qofka lala wadaago waa lama huraan.

Xaqiiqda dhabta ah waxay tahay in uusan dhaldhalaal badan ka soo horreyn qofka dhallinyarada ah marka uu soo qalinjebiyo. Waxaa durbaba ku saarmaya mas’uuliyad dheeraad ah oo la timid hambalyada; in aad shaqeysatid, isku filnaatid, reer kabtid ama mid gooni ah dhistid. Culeyskaas horrey u jiray markaasna sii batay uma heli doontid garabyo badan, dalka iyo dawladduna kuma caawin doonaan. Sidii maalintii qalinjebintaada guulaha laguugu soo dhaweeyey oo kale ayey caqabadaha noloshu kuugu soo dhawaan doonaan. Mar kale ayaad wax baran doontaa, ilaa aad aragto adiga oo waxaad soo baratay hilmaamay wax kalena ku shaqeynaya.

Ardada qalinjebisay waxan kula talin lahaa inaysan niyad jabin. Sido kale, Inay dhaqdhaqaaq sameyan. Ku mashquulan naftooda inay sii horumariyaan. Jiifkaaga waxba haku sugin. Ka faa’ideyso Fursad walbo aad ku soo bandhigi karto Kartidaada iyo aqoontada. Sidoo kale, Shaqo ha u deyn mushaarkeda oo yar, ama, inad diido Lacag la’aan inad shaqeyso. Shaqo la’aan waxa dhaanta, Shaqo Bilaa Mushahar ah. Waa kuu Fursad ee ka Faa’ideyso. Ogoow inaadan shaqo ku heleyn Dadaal la’aan. 10:00 am hadii hurdo kaso kacdo maalin walba aadna leedahay magaalada shaqo malahan. Makuu shaqeyneyso arintaa. Ee, dadaal. Oo Shaqada ka raadi Dadka kuu dhow Qaraabada ama Asxaabtada kugu dhow.

Markad tahay Qof Somaliya wax ku Bartay, Jamacadda kadibna Rajaynaaya inuu Somaliya ku Shaqaysto Waxad shaqo Ku Heli kartaa Saddex Hab Keliya.

1. In aad tahay qof Xiriir Fiican la leh Dadka. Oo aad tahay qof Fariid ah oo Firfircoon. Inaa tahay Qof Network giisu Ficanyahay.

2. In Shaqo ay kusiiyaan Qaraabadada kugu dhow, Sida Waalidkaga, Adeerkaga, ina Adeerkaga, Abtigaaga, IWM. Qaraabadada ama Qabilkaga waxay Doorweyn ka qaadan karaan inad shaqo hesho. Xitaa hadaysan ayaga shaqo ku Heyn, waxay ku dadaalayan si aad shaqo u heli lahayd oo u Kabi Lahayd Reerka.

3. Inad aa tahay Xirfadle. Hadii aad ku wanagsantahay Xirfad gaar ah waxay qayb Weyn ka qaadanaysaa inad ka baxdo shaqo la’aanta ku heysata. Xirfadaha sida maalinlaha logu baahanyahay waxa ka mid ah; Xirfadda Suuqgeynta Casriga ah, Muuqaal Hagaajinta, Xirfadda Xisaabinta (Accounting), Xirfadda Naqshadeynta (Graphic Design), IWM.

Gunaanad, Ardayda hadda bilaabaysa Jaamacadaha iyo kuwa Dhameynaaya waxan kula Dardaarmi lahaa inay ku Dadaalaan inay Horumariyaan Xirfadooda Shaqo. weliba, ay aad u bartaan Xirfad gaar ah. Iyo, inaysan Joojin oo ay ku Dadaalan inay wax is Baraan. Inay kor u qaadaan Xirfadda wax is baridda. Haku ekaanina inta yar aad Jaamacada iyo Fasalka ku Qaadataan keliya oo Ka Faa’ideysta Caalamka Internet ka. Sidoo kale, wax la Kasbado oo la Shaqaysto waxaa ugu Fiican Bani’aadamka waxaad ku Dadaasha inad wanaajiso Xiriirka Dadka kale aad la leedahay. Dadka waxaa lagu kasbadaa Akhlaaq, Weji Furnaan iyo Ixtiraam.

Halkan hadii aad soo gaartay, Blog gan lawadaag Asxaabtada. Waxa laga yaaba in
Noloshooda wax ka Bedelo ayna u baahanyihiin Talooyinkan Mahadsanid.

2 Responses

  1. Waa qormo aad u wanaagsan kana hadlayso dhabta jirta manta iyo bari.
    Runtii waxaa umalaysaa inaad jawi ficn ku jirtay waqtigii waxbarashada, markaad fiiriso caqabadaha kugu gadaaman iyo culeeska ku soo fuulaya.
    Mahadsanid!

  2. Perfect wllky abdihakin gelle ilaah hakaa abaal mariyo waa qormo aniga iyo kuwa badan ila mid ah noloshooda wax ka bedeli doonta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *