Abdihakingeelle

Waxaan Qoraalkan kusoo koobayaa warbixita Sanadkii 2021 ee Xafiiska Hantidhawrka Qaranka. Iyo, Baaritaanka Xisaabxirkii Sanadkii 2021.

Office of the Auditor General FGS Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka wuxuu baaris madaxbannaan ku sameeyaa Hey’adaha kala duwan ee Dawladda. Iyo, siday u isticmaaleen lacagta loo qoondeeyay ee ay ka heleen Miisaaniyadda Qaranka. Sidoo kale Xafiisku wuxuu baarraa Mashaariicda kala duwan ee muhiimka u ah Dawladda iyo Umadda Soomaaliyeed. Natiijada Baaritaankana waxa uu la wadaagaa Shacabka iyo Madaxda Dawladda.

Hantidhawrka Guud ee Qaran Mudane Mohamed Afgoi waxa uu baaritaan ku sameeyay;

  1. Xisaabxirka sanadka 2021 oo Xisaabiyaha guud uso gudbiyay.
  2. Hey’adaha Dawladda inay raaceen sharciga marka ay isticmaalayeen lacagaha ay ka heleen miisaaniyadda Qaranka.
  3. Sida loo maamulo iyo hanaanka dhaqangelinta ee ay maraan mashaaricda ay maalgeliyaan hey’adaha caalamiga ah.
  4. Sidii loo maareeyay Caabuqii Covid19 dhaqaalihi ay ku bixiyeen Dawladda Federaalka iyo Bangiga Adduunka.
  5. Badqabka, hufnaanta shaqada iyo qataraha kajira nidaamka information system ka lagu keydiyo xogta maaliyadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka waxa uu sameeya xisaabxir. Waxa uuna u gudbiyaa Hantidhawraha Qaranka. Xisaabxirka loo soo gudbiyay, Hantidhawraha Qaranka waxa uu ku sameeyaa baaris madaxbannaan. Waxa uuna hubiyaa in si sax ah loo soo diyaariyay. ayna, waafaqsantahay Heerka xisaabaadka Hey’adaha Dawladaha caalamiga ah (IPSAS). Waxa uuna kadib ku lifaaqaa warbixin uu ku cadeynayo aragtidiisa (Audit Opinion) kuna qotonta in xisaabxirku yahay mid sax ah oo dhameestiran kana hufan qaladaad.

Xisaabxirkii loo soo gudbiyay Hantidhawrka guud ee Qaranka waxa uu iska fogeeyay kana gaabsaday inuu wax aragti ah ka dhiibto xisaabxirkii loosoo gudbiyay. Figradda ah Ka Gaabsi (Disclaimer Opinion), wa heerka ugu hooseeya ee figradaha laga bixiyo warbixinnada xisaabxirka maaliyadeed ee Hey’adaha.

Sababaha uu ubixiyay Hantidhawrka Qaranka figradda (Disclaimer Opinion) waxa waye inuusan helin xog xisaabed ama cadeymo ku filan.

Hantidhawrka Qaranka waxa uu cadeymo kufilan u waayay;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *